Goobaha Ganacsiga ee Ismaamulka Wajeer ayaa u xirmay dhaqaale la’aan xooggan oo saamaysay guud ahaan ismaamulkaas sida ay sheegeen qaar kamid ah Dadka Ganacsatada ah ee tallaabadaan saamaynta taban ku reebtay.
Waxa ay dhaliil xooggan u jeediyeen Maamulka Wajeer oo ay ku sheegeen in uu ku guuldaraystay sidii uu u xakamayn lahaa dhibaatada dhaqaale ee ka taagan Ismaamulkaas waa sida ay hadalka u dhigeen Dadka Ganacsatada ah.
Dadka Garab-raratada ah (Xamaaliga ah) waa kuwa ugu badan ee dhibaatooyinkaan ka cabanaya sabab la xiriirta in ay ku doodayaan in ay ku tiirsan yihiin wixii maalintaas ay helaan oo haddii aanay shaqo jirin reerkoodu xaalad adag wajahaya.
Axmed Cabdullaahi Jiir Guddoomiyaha Ismaamulka Wajeer ayaa dadka gadoodka wada ee lacagta ku leh Maamulkaas dhammaantood la siin doonno balse waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in qaarkood Ganacsatadu lacagtooda la siiyay.