Hoggaamiyaha Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay shirwayne ay isugu imaanayaan Maamulkiisa & Dowlad-Goboleedka Puntland si ay uga arrinsadaan wax aka dhaxeeya.
Firdhiye ayaa sheegay in Maamulka SSC-Khaatumo iyo Dowlad-Goboleedka Puntland ay yihiin labo Maamul oo deris ah kana dhaxeeya xiriir wanaagsan oo mid ehel iyo mid siyaasad ah loona baahan yahay in dhinac weliba uu dhanka kale xushmad u muujiyo.
Ma sheegin waqtiga kulanka uu dhacayo & halka gogasha la dhigayo balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in aan kulankaan looga maarmin sidii Maamulkiisa SSC-Khaatumo & Dowlad-Goboleedka Puntland uga wadahadli lahaayeen danaha isaga darsan.
Garaadada Dhaqanka ee SSC-Khaatumo oo maalmihii u dambeeyay kulamo gaar gaar ah ku lahaa Magaalada Laascaanood ayaa ugu dambeyn soosaaray go’aamo ay ugu wayn yihiin in aanay jiri doonin Xildhibaanno ku metalaya Dowlad-Goboleedka Puntland.