Kulan looga hadlay Amniga Caasimadda, qorshaha sanadka nagu soo wajahan ee 2024 & xoojinta howlaha shaqo ee horyaalla Maamulka Gobolka Banaadir & Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ayaa lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa shir Guddoomiyay kulankaan waxaana ka qaybgalay Guddoomiye ku xigeennadiisa sida Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.
Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo ah Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Guddoomiyeyaasha Degmooyinka faray in ay sare u qaadaan wadashaqaynta iyo xoojinta isbaddelka amniga ee Caasimadda ka jira.
Todobaadkii mar ayay kulmaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Ku xigeennadiisa & Guddoomiyeyaasha Degmooyinka waxaana ay kawada hadlaan Amniga, Arrimaha Bulshada iyo arrimo kale.