Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta gacanta kusoo dhigay eedeysane lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullahi, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.
Axmed Cabdiraxmaan ayaa ku eedeysayn inuu dil kasoo gaystay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, kadibna uu usoo baxsaday dhanka magaalada Muqdisho.
Ninkan waxaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu dilat marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan oo kamid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.
Sidoo kale wuxuu talisku sheegay in ninkan si deg-deg ah loo horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
“Waxaana la horgeyndoona Cadaalada hadii allaah idmo” ayaa mar kale lasii raaiyay warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska.
“Muwaadin hadii aad la kulanto ama ay kusoo gaarto falal amni daro ah, la soo xariir Xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed 991” ayaa lagu soo gabagabeeyay.