Dowlada oo Shaacisay Qasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Lagu Qaaday Kooxda AL-Shabaab…

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Galmudug, HirShabelle iyo Jubbaland oo lagu weeraray Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shaacisay khasaaraha Al-Shababa lagu gaarsiiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, waxayna sheegtay in lagu laayay in ka badan 130 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in laga soo furtay hub kala duwan, lana burburiyo goobo ay gabaadka dhiganayeen muddo aad u dheer.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda laga saaray dhul ballaaran, sida howdka Shabeelow, waddada muhiimka ah ee Caadley, buurta Yacgoos iyo deegaanka baraag Ismaaciil oo dhammaan ka wada gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Glamudug.

Waxaa kale oo la xoreeyay degmada Ceeldheer, magaalada Masagawaa iyo deegaanada hoos yimaada oo dhaca bariga gobolka Galgaduud.

Wasaaradda ayaa intaas kusii dartay inay sii socon doonaan howlgallada, ujeedkana uu yahay in kooxda Al-Shababa laga xoreeyay guud ahaan dalka.

May be an illustration of text