Maxkamadda sare ee maamul goboleedka Puntland ayaa war kasoo saartay go’aannadii kasoo baxay Isimada dhaqanka SSC oo maalin ka hor shaaciyay in aysan qayb ka noqon doonin doorashada maamulkaas, ayna isaga baxeen.
Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Puntland Axmed Sheekh Cumar Xasan oo qoraal soo saaray ayaa talo sharci ah soo jeediyay, kadib go’aankii SSC-khaatuma.
Axmed Sheekh Cumar oo ah nin kasoo jeeda SSC ayaa ka horyimid go’aanka ay qaadeen Isimada Khaatuma wuxuuna sheegay inuu ka dhiman yahay habraaca loo maro heshiisyada iyo ka bixistooda, kaas oo ah is waafajinta danaha dhinacyada uu khuseeyo go’aanka.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Puntland ay xaq u leedahay inay qabsato doorashadeeda, maadaama ay go’aankani lasoo daaheen Isimada SSC-Khaatuma.
“Inay Puntland xaqu uleedahay inay doorashadeeda u qabsato qaabkii horay loogu qaban jiray, SSC-na ay ku caban karin, maadaama aanay Isimadu go’aankooda kusoo gudbin waqtigii ku haboonaa” ayuu mar kale yiri guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare.
Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyay inay sii shaqeeyaan 17-kii xildhibaan ee baarlamaankii 5-aad inta iyana arrintooda laga xalinayo soo xulista xildhibaanada ka imaanaya SSC.
