Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA ayaa maanta Maamulka Gobolka Banaadir u wareejisay gargaar dhan 3,800 oo tan oo u dhiganta deeq gaari karta 150 kun qoys sida uu sheegay Guddoomiye Maxamuud Macallin.
Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo la wareegay kaalmadaan ayaa sheegay in deeqdaan loo qaybiyo qoysaska danta yar ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay gacan qabashada qoysaska saamaynta taban ay ku reebeen xaaladaha is xig-xigay ee dalka ka dhacay sida abaaraha, daadadka & fatahaadda.
SODMA waa Hay’adda sida gaarka ah u qaabilsan ka jawaabista xaaladaha bani aadamnimo iyo in ay digniin kasoo saartay khataraha saadaasha laga sii bixiyo si dadka ugu nugul halistaas ay uga feejignaadaan xaaladahaas halistooda wata.