Kenya oo Ciidamo Badan iskugu Geysay Gobolka Lamu…

Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah gaysay gobolka xeebta ee Lamu si ay uga hortagaan weerarro ka imaan kara dhinaca ‘AS’ oo dhowr jeer weerarro kala duwan ka gaystay Gobolkaas isla markaana uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamadaan ayaa roondo ka billaabay deegaannada ay u arkaan in ay ‘AS’ Kasoo weerar tagi karaan si ay u beegsadeen saldhigyada iyo goobaha ay isugu tagayaan Dadka maamuusaya Ciidda Masiixiga ee 25ka Deseembar.

Askar katirsan Ciidamada gaarka u tababaran ee GSU-da loo yaqaan ayaa lagu arkay deegaanno kala duwan oo ah meelaha u nugul weerarrada si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa Dadka maadaama ay xiran yihiin goobaha Waxbarashada & Shaqada.

Meelaha sidoo kale ciidamadaan lagu arkayo waxaa kamid ah Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya oo ay ku sugan yihiin Ajaanib badan oo qaarkood muddooyinkii dambe tagayay Magaaladaas si ay waqti ugu qaataan.

Goobaha qaar oo Dadka Masiixiyiinta ah isugu tagayaan ayaa la adkeeyay dhaqdhaqaaqa Dadka waayo waxaa suuragal ah in lagu soo hoos gambado kaddibna la fuliyo weerarrada cabsida laga muujinayo in ay ka dhici karaan Kenya.