Dowlada Ka Hadashay Dagaalkii Kooxda AL-Shabaab Lagu Qaaday..

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaal aad u cuslaa oo 48 saac ee u dambeeyay ka dhacay duleedka deegaanka Caad ee koonfurta gobolka Mudug.

Taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed General Dayax Cabdi Cabdulle oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa shaaciyay in dagaalkaasi lagu dilay Shabaab-kii ugu badna.

Waxa uu sheegay in ka badan 80 dagaal-yahano Shabaab ah lagu qaarajiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Caad iyo Baraag Sheekh Ismaaciil oo hoosyimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Deegaanadaasi ayuu sheegay inay muddo kasoo abaabuli jireen weerarada ay kusoo qaadan ciidamada iyo kuwa lagu waxyeeleeyo shacabka.

“Dhul ballaaran oo runtii buuraley ah oo nimankani saldhigyo ku lahaayeen oo ciidamadu kula dagaalameen oo laga saaray, baa waxaa jira sifayntiisii,” ayuu yiri Taliye Dayax Cabdulle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay kooxda ka furatay hub aad u tiro badan, ayna warbaahinta usoo bandhigi doonaan deegaanada laga qabsaday kooxda iyo khasaaraha ay gaarsiiyeen.