Qarax Markale La Beegtay Gaari ay Leedahay Shirkada Hormuud..

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay gaari uu lahaa Injineer ka tirsan Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Ninka Injineerka ee ka tirsan shirkadda Hormuud ayaa ka badbaaday qaraxan oo ahaa nooca gawaarida lagu xiro, maadaama uu gaariga qarxay kahor inta uusan soo fuulin.

Qaraxa ayaa ka dhacay dibadda guriga injineerka Hormuud oo ku yaalla xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa noqonaya kii 13-aad ee lala beegsado shaqaalaha, gawaarida iyo xarumaha shirkadda tan iyo 7-dii November.

Markaas ayaa qaraxyadii ugu horeeyay lagu weeraray laba xarumood oo ku kala yaalla Xero Jarmal iyo deegaanka tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Gaariga Booyad ah oo nooca shidaalka qaada ah, ayaa gabi ahaanteedba gubatay, hase ahaaten ma geysan wax khasaare nafeed ah, balse waxaa gabi ahaanba gubtey oo bas-beeshay booyadii oo waday shidaal, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan Hormuud.

Xarumo badan ayaa la bur-buriyey mana jiro war ka soo baxay maamulka shirkadda oo ku saabsan beegsigaan.

Ila hadda lama oga sababta loo beegsado iyo cidda beegsaneysa shirkadda Hormuud, laamaha amnigu kama hadlaan. Shabaab sidoo kale kama hadlaan, maamulka shirkaduna waa ka aamusan yihiin weerarrada ku socda xarumaha, gaadiidka iyo shaqaalahooda.