Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafada iyo Bilic soo celinta Maamulka Gobolka Maxamed Suudi oo xalay warbaahinta kula hadlay Waddada Sodonka ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax lagu soo dhex qariyay qashin oo habeen hore ka dhacay gudaha Muqdisho, kaas oo sababay khasaare soo gaaray muwaadin Soomaaliyeed.
Maxamed Suudi ayaa sheegay in qashin badan oo lagu soo daadiyay laamiga dhexdiisa, lasoogeliyay bac lagu qariyay qarax, kadibna ay waxyeelo kasoo gaartay hal qof.
Sidoo kale wuxuu ka digay dhibaatada ka dhalan karta qashinka oo si guud marka loo eego halis ku ah bulshadeenna.
Mudane Maxamed Suudi oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu qaadi doono tallaabo ka dhan dadka sameeyay falalkaasi ee dhibaatada ku haya muuqaalka guud ee caasimada, gaar ahaan dhanka bilicda.
“Dadka noocaas sameynaayo waxaan rabnaa inaan halkan digniin uga dirno qashin yaraa laamiga iska dhigaayay lagaama aqbalaayo, waxaad garab siineysaa nabad-diidka” ayuu raaciyay.
“Reer Muqdisho waxaan leeyahay nadaafadda guud ahaan iyo gaar ahaan ka shaqeeya” ayuu mar kale yiri agaasime Maxamed Suudi.