Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Carab oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in digniintaan ay si toos ah uga soo baxday Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale waxaana hay’adaha kala duwan ee Dowladda la faray in la qaado tallaab lagu dhaqangelinayo go’aankaan.
“Waxaa jiray cabashooyin ka imaanayay Bajaajlayda Muqdisho kaas oo ku aadanaa in laga qaaday lacag ka baxsan lacagihii ku waajibay ee sharciga ahaa, Lacagahaas oo loogu sheegay in ay tahay Badqabka Mootooyinka oo dhan $27, Maamulka Gobolka Banaadir & Dowladda Hoose ee Xamar waxa uu caddaynayaa in wax shaqo ah uusan ku lahayn Lacagahaasi la qaadayay Mootooyinka Bajaajta ah ee ka howlgalla Gobolkaan” Saalax Carab Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.
Saalax ayaa intaas ku daray in caddaaladda la horgaynayo Dadka iska leh Shirkadaha ee lacagaha ka baxsan kuwa ku waajiyay Bajaajlayda ka qaadayay waxaana Hay’adaha Amniga & howlwadeennada Dowladda Hoose la faray in doorkooda ay ka qaataan wax ka qabashada arrintaan cusub.
“Waxaa lagu guulaystay maalintii shalay ahayd in gacanta lagu dhigo Rag shirkado lahaa oo iyaga ku shaqaysanayay in Bajaajlayda ay ka qaadaan lacago ka baxsan wixii ku waajibayay, xabsiga ayaa la dhigay oo waxaa lala tiigsanayaa sharciga, Dadkii lacagaha laga qaaday waxa ay heli doonaan caddaalad” Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.
Qaar kamid ah Wadayaasha Mootooyinka loo yaqaan Bajaajta ayaa cabasho ka muujiyay lacagaha cusub ee lagu soo kordhiyay waxaana ugu dambayn go’aankaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho uu ka dhigayaa mid culayskaas ka dejinaya.