Nisa oo Gacanta Ku Dhigtay Agab Loo Waday kooxda AL-Shabab iyo Ragii waday

Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa gacanta ku soo dhigay gawaari qalab siday qalab iyo siddeed qof oo kusii jeeday dhanka kooxda Al-Shabaab.

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda ciidamada ayaa qabtay saddex gaaari oo ay ku raranyihiin Alaabo electronics u badan iyo sidoo kale dadkii watay .

Ragga lasoo qabtay waxaa ku jira Muwaadin u dhashay dalka Uganda, sida lagu shaaciyay qoraalka kasoo baxay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

NISA ayaa intaasi kusii dartay qalabkan loo waday kooxda Al-Shabaab, isla markaana ujeedka uu ahaa in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

“Kooxdaan Ciidanka Sirdoonku gacanta ku dhigay ayaa ku sii jeeday goobaha Al-shabaab  joogto waxaana lagu tuhunsan yahay in qalabka ay u wadeen  al-shabaab si loogu adeegsado gumaadka Shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga caasimada ee ka socda Muqdisho iyo deegaanada kale ee u dhow dhow.