Xiisad xooggan ayaa ka taagan doorashada maamulka Puntland, gaar ahaan Xildhibaannada laga soo doorto SSC-Khaatumo.
Arrinta xiisadda ay hadda ka taagan tahay ayaa ah in Saciid Deni uu suuqa ka qortay 17-ka Xildhibaan ee laga soo doorto SSC, xilli Isimida dhaqanka SSC-Khaatumo ay sheegeen in aysan ka qeyb-galeyn doorashada Puntland.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in 17 xubnood oo laga keenay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha xukuumadda Deni lagu daray liiska 66-ka Baarlamanka Puntland.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in xubnaha uu soo xushay Siciid Deni ay qaarkood haystaan saxiixyo lagu been-abuurtay Isimada dhaqanka iyo cuqaasha SSC-Khaatumo.
Arrintaan ayaa waxaa si weyn uga horyimid musharaxiinta mucaaradka Puntland, oo digniin culus kasoo saaray. Sidoo kale waxaa soo baxeysa in tallaabadan isku maandhaafsan yihiin Deni iyo ku-xigeenkiisa Karaash.
Si kastaba, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa xalay caddeeyey in haddii SSC ay noqoto maamul gaar ah aysan lumin doonin xuquuqda siyaasadeed ee beelaha SSC-Khaatumo ay ku leeyihiin maamulka Puntland.