Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Jabuuti Ee Somaliya iyo Somaliland

Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ka dhacay shir u dhaxeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud & Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah.

Warmurtiyeed ayaa laga soosaaray kulankaan waxaana lagu ballamay in lasoo ambaqaado wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland si xal loogu helo tabashooyinka ay qabaan Gobollada Waqooyi (Somaliand).

Halkaan ka aqrisho qodobada heshiiska:

Wadahadallada ayaa sii socon doonna sida ay xaqiijiyeen Wasiirrada Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi & kan Somaliland Maxamed Kaahin oo Warbaahinta la hadlay warmurtiyeedka kaddib.