Ciyaarihii Ka Furmey Muqdisho oo Hakad La Galiyay…

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan tartanka xiiso leh ee maamul goboleedyada oo shalay si rasmi aj uga furmay garoonka weyn ee Stadium Muqdisho.

Tartankan oo u dhexeeyo maamul goboleedyada, marka laga reebo Puntland iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu bilaabay Galmudug iyo HirShabelle oo barbaro 1 iyo 1 galay.

Guddiga Farsamada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa ugu horreyntii raaligelin buuxda siiyay taageerayaashii shalay garoonka tegay, balse aysan u suuragelin inay daawadaan ciyaartaasi, maadaama kumaan kun ay buux dhaafiyeen Stadium Muqdisho.