Dowladda Burundi ayaa warbixin cusub kasoo saartay howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha kala guurka ah.
War kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in bishan gudaheeda ay ciidamadii ugu badnaa kala baxeen Soomaaliya, taas oo qayb ka ah qorshaha dhimmista ciidamada howlgalka ATMIS ee howlgallada u jooga gudaha dalka.
Tirakoob ay soo saartay dowladda Burunti ayaa waxaa lagu sheegay in illaa 734 askari ay kala baxday Soomaaliya, wixii ka dambeeyay 23-kii bishan December ee 2023-ka.
Saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Burundi ayaa boqolaalkan askari kusoo dhoweeyay garoonka ciidamada ee ku yaalla magaalada caasimada ah Bujumbura.
Horay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa u bilaabay inay la baxaan askartooda, taas oo qayb ka ah go’aanka ciidamada shisheeye looga saarayo dalka.
Sidoo kale waxay horraantii bishan wareejisay amniga guud ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo 16 sano kadib ay ilaalinayaan ciidamo Soomaaliyeed.