Saraakiisha laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay isugu yimid shir ballaaran oo ku saabsan amniga Muqdisho.
Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya mudane Maxamed Cali Xagaa, kaas oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa shirka ka soo qeyb-galay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, taliyeyaasha qeybta guud ee booliska iyo NISA, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, taliyeyaasha guutooyinka ciidanka Polizia Militare, taliyeyaasha qeybaha iyo saldhigyada caasimada ee Boliiska iyo Nisa.
Inta uu shirka socday waxaa sidoo kale saraakiisha laga dhageystay caqabadahii iyo casharadii laga bartay sanadkan iyo sidii loo hagaajin lahaa amniga guud ee dalka gaar ahaan kan caasimada.
Sidoo kale saraakiisha iyo madaxda shirka ka qayb-gashay ayaa ku ballamay in lasii laba jibaaro dadaallada lagu sugayo amniga caasimada oo haatan ah mid deggan.
Amniga Muqdisho ayaa waxaa haatan iska kaashanayaa Ciidamada Booliska, kuwa NISA iyo Polizia Militare oo inta bada la geeyay xaafadaha caasimada iyo duleedkeeda.
Â
Â
Â
Â
Â
Â
 