Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo maanta guddoomiyay kulanka 7-aad ee Guddiga Joogtada ah …

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 7-aad ee guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka iyo dhammaan xubnaha guddiga Joogtada ah, ayaa waxa ay guddoomiyeyaasha guddiyada soo bandhigeen warbixino ku aadan shaqada guddiyada iyo hindise sharciyeed-yada ay diyaariyeen una baahan in la horkeeno Golaha si loo marsiiyo akhrimaha kala duwan.

Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ayaa aad uga dooday ajandeyaal muhiim u ah fadhiga Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska warfaafinta guddoomiyaha Golaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa tilmaamay in guddiyada Golaha Shacabka ay hayaan shaqooyin muhiim u ah qaranka, isla-markaana laga rabo in ay laba jibaaraan shaqadooda, waxaana uu faray shuruucda ay gacanta ku hayaana soo dhameystiraan.