Horjoogayaal katirsan kooxda AS Oo Duqeyn Lagu Dilay…

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in howlgal qorshayn uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Howl-galkan culus ayaa lagu dilay horjoogayaal iyo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay Caasimada Online u xaqiijin qaar kamid saraakiisha ciidanka.

Howl-galkaan oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada beesha caalamka.

Weli si rasmi ah looma shaacin magacyada horjoogayaasha Shabaabka ee lagu dilay howl-galkaan. Wixii kasoo kordha waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah.

Howl-galkaan ayaa imanaya saacado kadib markii ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS ay howl-gal bur-burin ah ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bakool.

Ciidanka ayaa gebi ahaanba bur-buriyay fariisimihii kooxda Al-Shabaab ee ay ku lahaayeen deegaanadaasi howl-galka laga sameeyay.