Magacyada Horjoogayaal Katirsan AS oo dilkooda la shaaciyay ….

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay magacyada horjoogayaasha Al-Shabaab ee lagu dilay duqeyntii maanta ka dhacday Shabeellaha Hoose.

Duqeyntan oo ka dhacday deegaanka Nuun-Garre oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay laba horjooge oo muddooyinkii dambe si aad ah loogu raadjoogay.

Labada horjooge ee lagu dilay howl-galkan ayaa kala ahaa; Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa horjoogihii deegaanka Bariire iyo horjoogihii baadda iyo boobka dadka beeralayda ah u qaabilsanaa Khawaarijta kaasi oo lagu magacaabi jiray Saabir.

Sidoo kale waxaa lagu shaaciyay bayaankan in howl-gal aad loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka lagu dilay toddobo ka mid ah kooxda Al-Shabaab.

Xubnahaan ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisin kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen duleedka magaalada Caad ee gobolka Mudug.