Xildhibaanada Cusub Ee Puntland Oo la Shaaciyay iyo Dood Ka Tagaan

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Puntland ayaa saaka aroortii hore shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Puntland oo la sugayay ku dhowaaqistooda.

Guddiga ayaa soo saaray magacyada xildhibaannadan oo ka kooban 66 Mudane, waxaana ku jira 17-ka xildhibaan ee metelayo SSC-Khaatuma, kuwaas oo uu xulistooda muran xoogan ka taagnaa.

Caasimada Online oo heshay nuqul kamid ah liiska kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu soo bandhigay magacyada xildhibaannada iyo deeegaannada ay kasoo kala jeedaan.

Sidoo kale waxa ay arrintan ka hor imaaneysaa go’aankii Isimada SSC iyo hoggaankooda oo dhowaan uun shaaciyay in aysan qayb ka noqon doonin doorashada Puntland, ayna isaga baxeen guud ahaan maamulkaasi, maadaama ay dhisteen maamul madax bannaan oo ay aqoonsatay dowladda dhexe.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa ku adkaysanaya in doorashada maamulka lagu galo sidii hore, isla markaana aan waxba laga badali doonin siday u dhisneyd illaa amar dambe, taasi oo ka dhigan in 66 xubnood lagu gali doono doorashada, kuwaas oo hadda la shaaciyay.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana saacadaha soo socda la sugayaa jawaabta musharixiinta mucaaradka iyo Isimidda dhaqanka ee SSC-Khaatuma.