Ugu yaraan toban ka tirsan kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Axadda shalay lagu dilay kuwa kalana waa lagu dhaawacay kadib markii ciidamada badda Mareykanka ay doomoha kooxda duqeyn kula beegsadeen Badda Cas.
Ciidamada Mareykanka ayaa goor sii horreysay sheegay in ay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanku burburoyeen dhowr doomaha yaryar ah oo ay ku howlgalayeen kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iran.
Diyaarado Helicoptero ah oo ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka ayaa quusiyay saddex doomood oo ay wateen fallaagada Xuutiyiinta kuwaasi oo weeraray markab xamuul ah oo marayay Badda Cas, sida ay shegeen milatariga Mareykanka.
Taliska ayaa intaa ku daray in doonta afaraad ay aagga ka baxsatay.
Taliska CENTCOM ayaa sheegay in ciidamada baddu ay ka jawaabayeen codsi kaga yimid markabka Maersk Hangzhou, oo sittay calanka Singapore lagana leeyahay Denmark kaasi oo soo wariyay in muddo 24 saac gudahood ah uu laba weerar kula kulmay Badda Cas.