Ciidamada Xooga Oo Gacanta Ku Dhigay Xubno AS Ah..

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay maanta ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Mudug.

Howlgalkaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka Caad ayaa waxaa lagu soo qabtay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo waday walxaha qarxa.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka deegaanka Ceel-huur Maxamed Aadan oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa xog ka bixiyay raggaasi qaraxyada lagu qabtay, wuxuuna sheegay inay kasoo bixi jireen Jeex-jeex, kadibna ay miinooyin u dhigi jireen ciidamada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilliga la qabanayay ay ku howlanaayeen aasidda miino, kadibna laga war helay, sidaasna gacanta loogu soo dhigay.

“Laba nin ayay ahaayeen oo qarax dhigayay, waxaan qabanay iyaga oo jidka waardiye ka haayo” ayuu mar kale wareysiga ku yiri guddoomiye Maxamed Aadan.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa weli howlgallo culus ka wada koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo dhul ballaaran looga qabsaday kooxda Al-Shabaab.