Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa damac guracan iyo dhul boob ku tilmaamay heshiiska ay Addis-Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Heshiiskaas is-fagarad ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland ka hesho dekad iyo BAD ay saldhig ka dhigtaan ciidamadeeda badda ee dhowaan dib loo aas-aasay.
Madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo. Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.
Heshiiska damaca guracan ee Itoobiya ku dooonayso dhul iyo bad ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu muujiyey dareenka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed, waana mid mudan in aan la dhayalsan khatarta ka dhalankarta haddii lagu soo xadgudbo madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.
Heshiiskan waxa uu baal marsan yahay shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah iyo kan midwoga afrika, waxa uuna dhaawac ku yahay wadajirka iyo xasilloonida dalalka gobolka, sidaas awgeed waxaan caddaynaynaa in cid kasta oo ku lug leh ay ka galeyso taariikhda baal madoow, qaadanaysana masuuliyadda cawaaqib xumida ka dhalan karta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh waxaa waajib ku ah ilaalinta midnimada dhuleed, badeed iyo umadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la dhawrayaa go’aammada masiiriga ah iyo tallaabooyinka qaran ee u qalma  jiilasheenna danbe.
Dadka Soomaaliyeed, shacab iyo masuuliyiinba waxaan ugu baaqayaa in aynu u midowno qadiyaddan halista ah, innagoo meel iska dhigayna kala fikir duwanaanshaha iyo khilaafkasta oo dhexdeenna ah. Una midowno ilaalita badeenna, dhulkeenna iyo ummaddeenna.