Labo Nin oo katirsan AS Isku Soo Dhiibay Ciidamada Xooga Dalka…

Xubno Katirsan Kooxda AS Ayaa Isku Soo Dhiibay Ciidamada Xooga Dalka Ee Howlgalada Kawada Degaanada Maamulka Koofur Galbeed .
Xubnahan Waxaa Ay Shegeen In Mudo Badan Ay Katirsanaayeen Kooxda AS Balse Ay Qaateen Go,aan Ay Uga Soo Tagayaan Madaama Dagaal Xoogan Uu Kusocdo Ay Sheegtay Dowlada Soomaliya Oo Qoraal Soo Saartay..
        Warka Kasoo Dowlada Ayaana u Qornaa.
Labo dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka qeybtooda Gobolka Bakool.
Maxamed Ibraahim Maxamed Nuur oo Magaciisa afgarashada loogu yeero (Siid Cali) oo 22 jir ah iyo Aadan Isaaq Aadan oo 21 jir ah oo muddo 5 sano ah ka tirsanaa khawaarijta ayaa sheegay inay qaateen go’aankaan ay kaga soo baxeen Fikirka qaldan ee Khawaarijta kadib markii ay arkeen diin la’aanta, boobka iyo Marin habaabinta Khawaarijta.
Maxamed Ibraahin iyo Aadan Isaaq ayaa sheegay inay ka mid ahaayeen Jabhadda Khawaarijta, waxayna xuseen inay ka qeyb qaateen dhawr dagaal iyo dhagar Khawaarijtu u Maleegtay Shacabka Soomaaliyeed.
Malayshiyaan ka tiraanaa Khawaarijta ayaa sheegay in iyaga oo ka faai’daysana Cafiska Madaxweynaha qaranka ay helaan Dhaqan celin si looga mayro afkaartii qaldanayd ee Khawaarijtu ku beertay iyaga oo da’yar ahna ay kaga faa’idaysatay.
Sanadkii dhamaaday Deegaanada Koofur galbeed ayay iska soo dhiibaan Boqolaal Khawaarij ah kuwaasi oo u adkaysan waayay Nolal xumada iyo dagaalada adag ee Khawaarijta ku haysata furimaha dagaalka.
All reactions:

Cabdishakuur Sheekh Xuseen Shakra and 156 others