Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa oo wareysi bixiyay ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan dhulka la siiyay Itoobiya, kadib heshiiskii ay Addis Ababa kula galeen maamulka Somaliland.
Xagaa ayaa shaaca ka qaaday in dhulkaasi uu leeyahay kheyraad fara badan, ayna ku yaallaan laba ceel oo shidaal ah oo horay baaris loogu sameeyay, sida uu hadalka u dhigay.
Somaliland ayuu ku eedeeyay inay khayraadkaas uu Alle siiyay dadka Soomaaliyeed ay u gacan gelineyso wax uu ku sheegay cadow oo uu kala jeedo dowlada Itoobiya.
Sidoo kale wuxuu weerar culus ku qaaday ninka saxiixay heshiiskaas oo ah Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna sheegay in dhibaato u horseeday Ummadda Soomaaliyeed.
Somaliland iyo Itoobiya ayaa todobaadkii hore heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.
Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.