Waxaa goordhow soo dhammaatay doorashadii madaxweynaha Puntland oo saaka ka bilaabay gudaha magaalada Garoowe.
Doorashadan oo ahayd mid xasaasi ah ayaa waxaa la isla soo gaaray wareeggii saddexaad, waxaana isugu soo haray laba musharrax oo kala Saciid Deni yo Dr. Guuleed Saalax Barre.
Deni oo mar kale dib loo doortay ayaa helay codad gaaraya 45 cod, halka musharraxii la tartamayay ee Dr Guuleed Saalax Barre uu isna helay 21 cod, sida uu natiijada rasmiga uu ku dhowaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdiraxmaan Axmed Saciid.
Tani ayaa meesha ka saareysa isbeddalkii la filayay inuu ka dhaco maamulka Puntland oo ay si weyn isku hayeen dowladda federaalka Soomaaliya.
Deni iyo ku-xigeenkiisa cusub ayaa waxaa horyaalla howlo adag oo ay ugu horreynta mad-madwoga kala dhexeeya dowladda dhexe iyo inuu Puntland gaarsiiyo qof iyo cod.
Dhanka kale, ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, ayada oo bandow soo billowday xalay lagu soo rogayGaroowe, kaas oo soconayo inta ay dhamaaneyso doorashada.