Taliye ka tirsan Hay,adda NISA iyo ilaaladiisa oo weerar lagu dilay..

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo ay maanta dagaalyahanada Al-Shabaab ay ka fuliyeen duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday kolonyo uu hoggaamiyay Taliyaha Nabad-Sugidda degmada Qoryooley Cusmaan Xasan Cabdi (Cusmaan Gaab), waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo xaqiijiyay in goobta lagu dilay taliyaha iyo saddex kamid ah askartii ilaalada u ahayd ee la socotay xilliga uu dhacayay weerarka.

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa war kasoo saaray dilka taliyaha, isaga oo tacsi u diray ehellada marxuumka.

“Innaa lillaahi wa ileyhi raajicuun, Ilaahay ha u Naxariisto walaalkeen taliye Cusmaan Xasan Cabdi (Cusmaan Gaab) taliyihii Nabadsugida Degmada Qoryooleey oo goordhow ku geeriyooday wadada qoryooley iyo Danow u dhexeysa asaga oo gudanaya waajibaadkiisa qaran” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro culus ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay sidoo kale howlgallo ka wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuw ATMIS.