Somaliland Oo Eedayn U jeediday Dowlada Soomaaliya..

Xafiiska ergayga gaarka ah ee Somaliland ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka Soomaaliya inay fasiraad khalad ah ka bixisay is-afgaradka ay Somaliland la gashay dowladda Itoobiya.

Bayaan kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay inay been tahay sheegashada Soomaaliya ee lahaanshaha Somaliland, islamarkaana Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo aan marna kamid noqonin maamullada federaalka ee Soomaaliya, sida lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay bayaankan in ay been tahay in Somaliland ay u baahan tahay ogolaanshaha Soomaaliya inay heshiisyo gasho, kaasi oo lagu qiil dayayo heshiiskii 1-dii bishaan ay Addis Ababa ku saxiixeen Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed.

Dhinaca kalena, wasiir ku-xigeenka warfaafinta ee Somaliland Siciid Xasan Habane oo VOA la hadlay ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladdiisa ku eedeeyay banaanbaxyadii weyna ee ka dhacay gudaha Somaliland, kaasi oo looga soo horjeeday heshiiskii Badda ee Addis Ababa.

Wasiir Saciid Habane ayaa sidoo kale farriin u diray madaxweyne Xasan iyo dowladda federaalka, “Haddii Soomaalinimada iyo waxa ay ka hadlayaan in uu dhab ka tahay in bulshada Somaliland ee tashaneysay in ka badan 30 sano ka daaya ayaa leenahay dibin-daabyada iyo waxa kusoo dhex tuureysan. Arrintaas (banaanbaxyada) iyaga soo sameeyay iyo cid la socota.”