Ciidamada Itoobiya oo toogasho ka geystay xuduuda Somaliland…

Wararka naga soo gaaraya dhanka xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay toogasho ka geysteen halkaasi.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka xadka ku yaalla ee Qoolbuulalle oo ka tirsan degmada Sallaxlay ayaa toogasho ku dilay askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland iyo qof shacab ah.

Askariga Booliska ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed, halka qofka kale ee shacabka ah ee la dilay lagu magacaabi jiray Ismaaciil Xasan Budul.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduudaha ayaa marar dhowr ah sidan oo kale dilal ugu gaystay muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaasi oo dad shacab ahi ay ku dhinteen.

Majiro wax war ah oo la xiriira dhacdadan oo kasoo baxay maamullada labada dhinac, waxaana illaa hadda la isweydiinaya sababta keentay toogashadan, xilli ay taagan tahay xiisad xooggan oo ka dhan ah Itoobiya.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si isku mid ah uga hortimid damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, ayaga oo banaanbaxyo waaweyn ka dhigay magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Boorama.