Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa sheegtay in Shirnax Daawo ah ay ku wareejisay Maamulka Deegaanka Janaale si loogu adeego bulshada baahida gaarka ah u qabta sida hadalka loo dhigay.
Guddoomiyaha Janaale Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa soo dhaweeyay garab istaagga Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA isaga oo sheegay in gargaarkaas lagu soo beegay iyada oo ay jirto baahi loo qabo waa sida uu yiri.
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Hay’adda SODMA Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa sheegay in Hay’addu ay garab taagan tahay dadka dhibaataysan ee u baahan in la gacan-qabto taasina ay tahay mas’uuliyadda wayn ee saaran.
Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay gargaar bani aadamnimo u daabulaysay deegaanno katirsan Gobollada Dalka kuwaas oo saamayn taban ku reebeen xaaladaha ka dhashay Daadadka Roobka & Fatahaadda Webiyada.