Mareykanka iyo UK oo Qaaday Tallaabo Culus oo Kadib halista kasoo korortay Badda Cas..

Mareykanka iyo Britian ayaa bilaabay weeraro ballaaran oo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran, kadib halista ka soo korortay Badda Cas.

Weeraradan oo lagu tilmaamay kuwa looga aargudanayo Xuutiyiinta, in ka badan labaatan weerar oo dhowaan uu ururkaasi la beegsaday maraakiibta isaga kala gooshta marinka caalamiga ah ee Badda Cas.

Saraakiil Mareykan ah oo ka gaabsaday inay magacooda sheegaan, maadaama oo aan loo ogolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay in ciidamada milateriga ee Mareykanka iyo Ingiriisku ay weerar ku qaadeen in ka badan toban bartilmaameed oo ay leeyihiin kooxaha Xuutiyiinta.

Waa markii ugu horraysay ee la duqeeyo xarumaha Xuutiyiinta ee ku yaalla gudaha Yemen, tan iyo markii ay bilaabeen weerarada ka dhanka ah, maraakiibta maraysa badda cas, iyaga oo sheegay inay garab-istaag u muujinayaan shacabka Falastiiniyiinta.

Waxaa jiray illaa 27 weerar oo laga soo abaabulay goobaha ay Xuutiyiintu ka maamulaan dalka Yemen, tan iyo wixii ka dambeeyey bishii November ee sannadkii hore.

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, oo ay wehelinayaan, Maraakiibta dagaalka ee Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa dhacdadaas ka jawaabay, iyaga oo soo riday diyaaradahaas iyo gantaaladaba, kana hortagay khasaarihii ay geysan lahaayeen.