Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka ee Macawiisleyda ayaa howlgallo ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab weli ka wada degaano kuyaalla koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo la sheegay inay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa Ciidamadu ka wadaan dhulka howdka ah Jowle, Caad, Dabagalo, jeex jeexa iyo Dumaayo, halkaas oo la shegay inay Al-Shabaab isku aruursanayeen si ay weeraro u geystaan.
Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee dowladda, kuwa daraawiishta iyo Ciidamada degaanka ayaa siwadajir ah u sheegay in howlgallada lagula wareegay degaano dhowr ah, isla markaana howlgallada ay sii socon doonaa ilaa laga saarayo degaannada dowlad Goboleedka Galmudug.
Dhawaan dagaal ka dhacay degaano u dhow Magaalada Caad ee Gobolka Mudug ayaa dagaal ka dhacay waxaa ku geeriyooday Abaanduulihii guutada 18aad ee ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Cabdi Sheekh Suulnuuge.