Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyey masuuliyiin loo haysto musuq-maasuq.
Eedaysanayaasha loo haysto musuq-maasuqa ee la horgeeyay ayaa waxay iskugu jiraan saraakiil kala tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe, ayaga oo u fadhiyey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Saraakiishan ayaa waxa hore xukuno kala duwan ugu soo riday maxkamadda gobolka Banaadir, balse waxaa ka horyimid go’aankaasi xafiiska Xeer ilaalinta oo ka qaatay rafcaan.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa horey xukunno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo loo haystay masuq-maasuq, kuwaasi oo muddooyinkii u dambeeyay maxkamadeyntooda ay ka socotay magaalada Muqdisho.
Raggan oo isugu jiro agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale ayaa ka kala tirsanaa wasaaradda maaliyadda, wasaarada shaqada, bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka.
Mas’uuliyiinta dib loogu celiyay xoriyadooda ayaa waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo labaduba ah agaasimeyaashii hore ee wasaaradda shaqada.