La taliyaha amniga qaranka ayaa yiri: “Waxaan raadineynaa dhammaan fursadaha diblomaasiyadeed, waxaana filayaa in Itoobiya ay soo noqon doonto maskaxdeeda, laakiin waxaan diyaar u nahay dagaal haddii Abiy Ahmed uu rabo dagaal.”
Talaabadan ayaa ka cadhaysiisay dawladda Soomaaliya oo sheegtay in Somaliland ay ka tirsan tahay dhulkeeda, isla markaana dowladdu waxay ku dhawaaqday in heshiiskaasi uu xadgudub ku yahay qaranimada iyo dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhammaadka bishaan Kampala uga qeyb galaya shir madaxeedka IGAD oo looga hadlidoono xiisadaha cusub ee Soomaaliya iyo Ethiopia. IGAD ayaa isku dayaysa inay xal u raadiso khilaafka labada waddan.
Talaabada Addis Ababa ee dhinaca badda ayaa ku soo beegantay iyadoo ay socoto dhismaha biyo xidheenka Grand Renaissance Dam ee Itoobiya, taasoo ka cadhaysiisay Masar iyo Suudaan, oo sheegay inay hoos u dhigayaan helitaanka biyaha Niilka.