Somaliland Oo Soo Bandhigtay Sababaha Loo Xiray Shaqsiyaad Wariyaal ku jiraan..

Taliska ciidamada Booliska Somaliland ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay xarigga loo gaystay wasiirkii hore ee beeraha ee maamulkaasi, Axmed Muumin Seed oo xalay ciidanka ay soo qabteen, kuna xireen magaalada Hargeysa.

Booliska ayaa ‘qiil yaableh u sameeyay’ xarigga wasiirka oo diiday heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kadib wareysi uu siiyay MM-TV.

Afhayeen u hadlay Booliska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Axmed Muumi Seed uu soo dacweeyay muuwaadin, dacwaddaasna aytaallo maxkamadda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray wararka sheegaya in looo xiray diidmadiisa ku aadan heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in loo haysto kiis lacag ah.

Si kastaba, wasiirka xalay la xiray ayaa wareysi uu siiyey MM-TV wuxuu ku soo qufay taariikh fog oo qarnigii hore ay sidaan oo kale Itoobiya u damacday inay dhacdo badda Soomaaliya, isagoo sheegay in qarnigii hore gumeystihii Talyaaniga uu Boqorkii Itoobiya weydiistay inuu ku wareejiyo badda Seylac.