Dowlada Kenya oo qiima dhimis ku samaysay Shidaalka..

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay hoos u dhigtay qiimaha shidaalka dalkaas si loo yareeyo sicir-bararka xooggan ee saamaynta taban ku reebay Guud ahaan Dalkaas sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda William Ruto.

Sababta Shidaalka Hoos loogu dhigay ayay Dowladdu ku sifaysay in ay kordhayaan fursadaha xamuulka iyo waxsoosaarka Warshadaha si ay u helaan shidaal qiima jaban isla markaana wax uga dhimaan badeecadaha cirka isku shareeray.

Ganacsatada Kenya ayaa sheegay in arrintaan ay tahay tallaab muujinaysa dedaalka Xukuumadda William Ruto ay gelinayso xakamaynta saamaynta taban ee sicir-bararka balse waxa ay sii dalbadeen in ay kordhiso dedaalkeeda.

Dowladda ayaa shidaalka ka dhintay 5 Shillin oo lacagta Dalkaas ah oo u dhiganta $0.032, Dadka qaar ayaa ku tilmaamay tallaabadaas mid wanaagsan balse waxaa jira weli dad kale oo ku doodaya in aanay dhaqaaq wayn samayn Dowladda waa sida ay hadalka u dhigeen.

Kenya waxaa dhulka la galay sicir-barar xooggan oo in muddo ah ay ka cabanayaan Ganacsatada waxaana ay Dowladda ka dalbadeen in laga dhimo canshuurta ay ka qaaddo si ay badeedaha ay ka iibiyaan Dadka ugu fududaato in wax badan ay suuq-geeyaan.