War kasoo baxay Militariga Ukraine ayaa lagu sheegay in ay soo rideen diyaarad nooca wax-basaaso ah oo ay leeyihiin dhiggooda Ruushka gaar ahaan nooca loo yaqaan A-50 balse Kyiv masoo raacin caddaymo muujinaya sheegashooda.
Diyaaradda A-50 waa kuwo casri ah oo haysta Raadaarka awoodda badan ee diyaaradaha waxaana ay gudbin karaan xogaha goobaha ay dulmaraan muddo kooban sida ay sheegeen khubarrada aqoonta u leh diyaaraddaan.
Kyiv ayaa sheegtay in dhibaato xooggan ay gaarsiisay ciidanka Moscow ee duullaanka kusoo qaaday horraantii 2022 waxaana ay intaas ku dartay in gubtay diyaarado, Taangiyo & agab kale ciidan oo ah kuwa casriga ah.
Moscow ayaa dhankeeda sheegtay in ay toogatay calooshood u shaqaystayaal badan iyo saraakiil katirsan Militariga Ukraine kuwaas oo kusoo dhacay tabinno ay u dhigeen waa sida lagu sheegay war kasoo baxay Ruushka.