Ciidamada Amniga oo Hawlgallo ka sameeyay Magaalada Baydhabo..

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ka sameeyey Howlgal Balaaran oo lagu xaqiijinaayo Amniga  Guud Ee Magaalada.

Howlgalka ayaa laga  sameeyey xaafadaha kala duwan ee magaalada iyo kontoroolada laga soo galo.

Waxaana inta uu howlgalka socday Ciidanka Baarayeen Guryaha iyo Gawaarida isticmaala Wadooyinka.

Mudoyinkii dambe Magaalada Baydhabo Waxaa ka socday Hawlgallo Amniga lagu Sugayo .