Wasiirkii hore ee amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan oo todobaad kahor lagu waayay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa haatan soo baxaya macluumaad la xiriira xaaladdiisa oo ay walaac ka muujiyeen ehelkiisa.
Wararka ayaa sheegaya oo markii hore lagu waayay nolol iyo geeri haatan laga war helay inuu ku jiro gacantra sirdoonka Kenya, sida ay xaiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Ugaas Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo la hadlayay Telefishinka Universal ayaa farriin culus u diray dowladda Kenya, isaga oo ka dalbaday inay sii deyso Janan
Horay waxaa arrintan uga hadashay Jubbaland oo iyadana Kenya ka dalbatay in xaaladda Wasiir Janan ay meel ku sheegaan, ayna soo caddeeyaan waxa ku sugan yahay.
“Dowladda aan walaalaha nahay ee Kenya, gaar ahaan laamaha amaanka waxan ka codsanaya in Wasiir Janan oo lagu la’yahay gudaha magaalada Nairobi mudo lix cisho ah in meel lagu cadeeyo haddii dambiyo jiran oo lagu tuhmayo qof dambi wuu gali kara lakin waa in la ogaada mesha uu ku sugan yahay,” ayuu horay u yiri Yuusuf Dhuumaal oo hadda ah wasiirka amniga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland
Cabdirashiid Janan oo waayihiisa ay marxalad kala duwan soo mareen, marna lagu xiray magaalada Muqdisho ayaa ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay mar ahaayeen saaxibo aad isugu dhow.