Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo nolol iyo geeri lagu waayay xilli uu ku sugnaa dalka Kenya ayaa waxaa haatan arrintiisa ay yeelatay weji cusub, waxaana soo farogeliyay xildhibaano ka tirsan dowladda Somalia.
Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo kamid ah xildhibaanadaas oo kasoo jeeda Jubbada, gaar ahaan gobolka Gedo ayaa si adag uga hadlay xaaladda wasiir Janan.
Fartaag ayaa farriin u diray dowladda Kenya, isaga oo ka codsaday inay si deg-deg ah usoo dayso Janan oo haatan xaaladdiisa walaac xoogan laga muujinayo, maadaama la waayay.
Horay waxaa arrinta Janan uga hadashay Jubbaland oo iyadana Kenya ka dalbatay in xaaladda Wasiir Janan ay meel ku sheegaan, ayna soo caddeeyaan waxa ku sugan yahay.
Cabdirashiid Janan oo waayihiisa ay marxalad kala duwan soo mareen, marna lagu xiray magaalada Muqdisho ayaa ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay mar ahaayeen saaxibo aad isugu dhow.