Itoobiya ayaa xaqiijisay in hawada Soomaaliya laga celiyay diyaarad ka soo degi laheyd garoonka diyaaradaha Hargeysa, xilli Somaliland ay isku deyday beeninta jiritaanka arrintaan.
Maamulaha shirkadda Ethiopia Airline Mesfin Tasew oo waraysi siiyey laanta Af-Amxaariga ee idaacadda BBC ayaa xaqiijiyey in dib loo celiyey diyaaradaasi oo ay iska laheyd shirkadda Ethiopia Airlines.
Waxa uu sheegay in diyaaraddan oo duulimaad lambarkeedu ahaa ET372 aysan ogolaansho ka haysan dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay in ay dib ugu laabato Addis Ababa, kadib markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ay ka celisay hawada.
Wada-hadal kadib, diyaaraddu waxay sii waday safarkeeda meel aan la shaacin, sida uu BBC-da u sheegay Mesfin.
Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa saaka xaqiijisay celinta diyaaraddan, iyada oo sheegtay in aanay ogolaan doonin in diyaarad aan ruqsad haysani soo gasho dhamaan xuduudaha hawo ee waddanka.