Madaxdii Hore Soomaaliya Oo Soo Saaray Go,aano.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madax hore oo ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Sheekh iyo Shariif Xasan ayaa soo saaray bayaan ay ku xoojinayaan dadaallada ka dhanka xad-gudubka Itoobiya.

Bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen madaxdaan ayaa waxay ku sheegeen in si adag uga soo horjeedaan heshiiskii Addis Ababa, kaasi oo xad-gudub ku ah gobannimada, madax-banaaniada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay ugu yeereen dadka Soomaaliyeed inay u midoobaan kuna garab istaagaan dowladdooda difaaca dalka hooyo si aan abid horay loo arag, “Waa muhiim xilligan la joogo in aan dhinac iska dhigno kala duwanaanshiyaheenna oo aan xoggeena iskugu geyno wanaagga guud iyo wax-u-tarka dalka.”