Golaha Wasiirrada oo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay Shirkii Ururka Jaamacadda Carabta.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah, ayaa soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii aan caadiga ahayn ee Ururka Jaamacadda Carabta, kaasi oo ku saabsanaa taageerada madaxbannaanida, gobonimada iyo midnimada Soomaaliya.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu meel-mariyey Siyaasadda Qaran ee Bad-qabka iyo Caafimaadka Goobaha shaqada iyo heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Cumaan.

Golaha ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca guud ee dalka, waxa uu ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, iyaga oo golaha faah-faahin ka siiyey howlgallada socda ee difaaca dalka, sugidda amniga, xasillinta iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista Fatxiya Maxamed Yuusuf oo ka mid noqonaysa xubnaha maamulka Guddiga Sare ee Bangiga Dhexe ee  Soomaaliya. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda.