DF oo ku dhowaaqday tallaabo culus oo Ka dhan ah xiisadda BADDA.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dagaal diyaar u tahay oo ay difaaceyso madax-banaanideeda haddii ay xiisadda badda ee kala dhaxeysa Itoobiya ay isku rogto gacan ka hadal.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay xiritaanka Shirka Madasha Garyaqaanadda Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay dadaal kasta gelineyso difaaca baddeenna, ayna kaga guuleysaneyso Itoobiya, si looga hortego damaceeda gurracan.

Sidoo kale wuxuu Itoobiyaanka xasuusiyay sida ay Soomaaliya uga guuleysatay Kenya, kadib kiiskii badda ee maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.