Qof Hubaysan oo Dad Shacab Ah Ku Dilay Magaalada Burco.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in gelinkii Jimcaha nin hubeysan oo dhimirka la’ uu weerar ka gaystay duleedka magaalada Burco ee xarunta gobolkaasi, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ninka oo ku hubeysan qoray ayaa dilay saddex qof, isaga oo dhaawacay mid kale, kadib marii uu ku weeraray deegaanka Afmadoobe ee gobolka Togdheer.

Mid kamid kamid ah dhaqaatiirta isbitaalka guud ee Burco oo la geeyay dadka ay waxyeelada soo gaartay ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna xaqiijiyay dhimashada saddexda qof oo maydkooda la geeyay isbitaalka iyo dhaawaca qof kale oo daran.

Mas’uul u hadlay maamulka ayaa sheegay in dadlka la laayey ay ku sugnaayene kulan Alle bari ah oo ka socday halkaasi, kadibna ninka hubeysan oo uu sidaas ku laayay