Ururka Midowga Afrika ayaa u xilsaaray Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, inuu dhexdhexaadiyo xiisadda u dhexeysa Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo kor u kacday tan iyo 1-da Janaayo 2024. Muranka ayaa soo ifbaxay kaddib markii Itoobiya shaacisay heshiis ay la gashay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya, halkaas oo Itoobiya doonayso inay saldhigato. Tallaabadan waxaa si xooggan uga hor yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku tilmaamtay mid sharci-darro ah oo khatar ku ah madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliyeed.
Midowga Afrika, oo labada dal xubno ka yihiin, ayaa shaaciyay in ay soo farageliyeen si loo helo xal nabadeed, iyagoo ka cabsi qaba in xiisaddu isu rogi karto gacan ka hadal. Olusegun Obasanjo ayaa loo igmaday inuu la kulmo madaxda labada dhinac si uu u dhegeysto mowqifyadooda isla markaana u raadiyo xal.
Soomaaliya ayaa sheegtay in shuruud u tahay wadahadallada in Itoobiya marka hore laasho heshiiska ay shaacisay 1-da Janaayo 2024, isla markaana ixtiraamto madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay inaysan marnaba ka wadahadli doonin qeyb ka mid ah ciidda, badda, ama hawada Soomaaliya, waxayna ugu baaqday Itoobiya inay joojiso damaceeda xadgudubka ah.