Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kaas oo lagu qaaday Al-Shabaab.
Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 8-aad ee qaybta 60-aad ciidamada Xoogga dalka, kuwaas oo isku fidiyay agagaarka Goofgaduud-buurey.
Taliyaha ururka 47-aad guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Dhagey) oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay gaareen tuulooyin ay ka mid yihiin Misgaale, Warta Kormar, Duurow, Mintaanka, Qurunlow Asharaaf, Gololow, Goof Golol & Hareera Jiif, kuwaas oo u dhow Goofgduud-buurey ee gobaoka Baay.
Ma shaacin taliyuhu khasaare nafeed oo ka dhashay howlgalladan, marka laga tago burburinta xarumaha ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.
Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa weli ku xoogan dagaalyahanada Al-Shabaab oo inta badan go’doon geliyay magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, taas oo keentay in xaalad adag ay galaan shacabka ku dhaqan halkaasi.