Sida ay sheegtay hay’adda socdaalka Finland, ilaa 160 qof oo sanadkii hore magangalyo ka codsaday dalka Finland ayaa la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, iyadoo si lama filaan ah ay u soo badanayaan dadka muhaajiriinta ah ee kasoo gudbay dalka Ruushka ee galaya Finland.
Finland waxay xirtay xudduudka bari ee ay la wadaagto Ruushka dabayaaqadii sannadkii hore, iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka ka imaanaya dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Suuriya ee doonaya in ay gaaran dalalka yurub.
Dowladda Finland waxay ku eedaysay xukuumadda Moscow in ay dadka soo-galootiga ah u daabulayso xadduudka labada dal ay waadaagaan taas oo Kremlin-ka uu beeniyay.
Hadda 160 qof oo ay ku jiraan kuwo kasoo jeeda Soomaaliya iyo Suuriya ayaa laga la’yahay xarumaha soo-dhowaynta, kuwaas oo intooda badan aan la garanayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay agaasimaha waaxda magangalyada ee Migri, Antti Lehtinen.
Ilaa 18 qof ayaa la ogaaday in ay iska dhiibeen qaar ka mid ah dalalka kale ee Yurub, oo ay ku jiraan Netherlands, Belgium, Norway, Sweden, Faransiiska, Jarmalka iyo Switzerland, oo mar kale ay ka codsadeen magangalyo.
Horraantii bishaan Jannaayo, Finland waxay kordhisay muddada uu xirnaan doono xadka ay la wadaagto Ruushka illaa 11-ka Febraayo, iyadoo sheegtay inay u badan tahay in qulqulka muhaajiriinta magangelyo-doonka ay dib u billaaban doonto haddii xadka la furo.
Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto ayaa sannadkii hore ugu baaqay Midowga Yurub oo dhan in xal wada jir ah loo helo si loo joojiyo gelitaanka aan la xakamayn karin ee Yurub ee dadka muhaajiriinta ah.